Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso: Musharraxiinta Isku Diiwaan Gelisay Guddoonka Aqalka Sare

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddiga dooorashooyinka golaha aqalka sare ee Baarlamaanka federalka Soomaaliya ayaa maanta bilaabay diiwaan gelinta musharraxiinta u taagan qabashada guddoonka aqalka sare kursiga guiddoomiyaha iyo labada ku-xigeen, waxaana guddigu uu sheegay in maanta ay isdiiwaangeliyeen afar musharrax.

Senator Saalax Cumar Xasan ayaa isku diiwaan geliyay guddoomiyaha golaha aqalka sare, waxaa sidoo kale ku-xigeenka koowaad isku diiwaan geliyay Senator Cabdixakiin Macalin Axmed, halka ku-xigeenka labaad ay isku diiwaan geliyeen Senator Cabdullaahi Shiikh Ismaaciil (Fartaag) iyo Senator Ilyaas Badel Gaboose .

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka guddoonka golaha aqalka sare  Senator Aadan Cabdinaasir Maxamed  ayaa sheegay in maanta afartaas muasharrax la diiwaab geliyay oyagoo sidoo kale qaatay shaadada guddiga ee  musharraxnimo oo la  siiyay mid waliba oo kamid ah musharraxiinta.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this