Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii u danbeeyay dacwadda Kursiga Fahad Yaasiin

Recommended Posts

Deeq A.   
Maxkamada-sare.jpg?resize=660%2C371&ssl=

Maxkamadda sare ee Soomaaliya ayaa maanta dhegaysatay doodda dacwad ku saabsan go’aankii guddiga doorashooyinka heer Federaal ee FEIT uu ku laalay doorashadii kursiga Hop#086.

Kursiga oo uu ku soo baxay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayuu guddiga FEIT go’aamiyay in dib loogu noqdo doorashadiisa kadib markii guddigu ku tilmaamay mid lagu doortay  si baal-marsan habraacyadii doorashooyinka.

Fahad Yaasiin ayaa dhowaan Maxkamadda sare u gudbiyay dacwad ka dhan ah go’aankii guddiga doorashooyinka FEIT uu ku baabi’iyay doorashadii kursiga Hop#086 islamarkaana ku sheegay in dib loogu laabanayo doorashada kursigaas.

Xafiiska garyaqaanka guud ee dowladda Soomaaliya oo u doodaya guddiga FEIT ayaa isna soo saaray qoraal uu maxkamadda kaga dalbanayo in gebi ahaanba la diido dacwadda ka dhan ka ah guddiga doorashooyinka.

Maxkamadda ayaa sidoo kale dhegaysatay dooddda labada dhinac ee kala ah xafiiska garqayaanka guud ee dowladda iyo qareenka uu wakiishay Fahad Yaasiin kaas oo ku doodaya in guddiga FEIT aysan awood u lahayn burinta doorashadii kursiga Hop#086.

Maxkamadda sare ayaa dhegaysi kadib sheegtay in ay dib ka soo saari doonto xukunka dacwadda u dhexaysa Fahad Yaasiin iyo guddiga doorashooyinka dadban ee heer Federaal.

PUNTLAND POST

The post Wararkii u danbeeyay dacwadda Kursiga Fahad Yaasiin appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this