Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaramada Midoobay Oo Gacan Ka Geysanaysa Dib U Dhiska Suuqa Waaheen Ee Hargaysa

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)- Qoraal lagu baahiyay boga Facebook ee hay’adda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in Qaramada Midoobay ay gacan ka geysanayso dib u dhiska mudada dhow iyo mudada dheer ee suuqa Waaheen ee Hargaysa oo 1-2 April uu dab baabi’iiyay.

Qoraalka Qaramada Midoobay oo lagaga warbixiyay socdaal uu Ku-xigeenka Wakiilka Xoghaya Qaramada Midoobay, ahna Isuduwaha Qaramada Midoobay iyo Xidhiidhiyaha Arrimaha Bani’aadanimo Adam Abdelmoula, ku tagay Hargaysa, ayaa lagu yidhi “Qaramada Midoobay waxa ka go’an in ay taageerto dib-u-dhiska muddada dhaw, muddada dhexe iyo muddada fog”.

Adam oo booqasho ku tagay suuqa Waaheen ee gubtay, ayaa sheegay in uu soo arkay xaalad burbur ah oo niyad jabisay, waxaanu sheegay in burburka suuqa soo gaadhay aanu ahayn mid la malayn karo, sida Qaramada Midoobay sheegtay.

“Markii aan maanta arkay burburka uu sababay dabkii ka kacay suuqa Waaheen waxay igu noqotay xaalad adag oo niyadjab leh. Heerka burburka uu gaadhay iyo saamaynya uu ku yeeshay dadka iyo dhaqaalaha, si dadban iyo si toos ahba, maaha wax la malayn karo. Si ba’an ayuu magaalada u saameeyey” ayuu yidhi Adam.

Adam wuxu sheegay in dib-u-dhiska suuqa Waaheen ee Hargeysa aad muhiim u yahay, sidoo kalena ay muhiimad weyn leeyihiin qorsheyaasha ka-soo-kabashada si wax looga qabto baahiyaha dadka ugu nugul ee dabku saameeyey, ayaa lagu soo gaba gabeeyay qoraalka xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this