Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan iftiimiyey Sababta Xabsiga loogu reebay weriye Ilig

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaan iftiimiyey Sababta Xabsiga loogu reebay weriye Ilig

khaliif.jpg

 

Waxaan ka xumahay in Maxamed Cabdi sh Maxamud Mohamed Ilig laga reebay oo lala hadhay isaga iyo laba wariye oo kale.
Habeen Hore Ayaa Nin aanu Sxp Nahay oo Dadka Madaxtooyada aadka ugu dhaw ah oo aan jecleyn inaan magaciisa halkan kuxuso iisheegay in Wariyayaasha Xidhan oo dhan lasii dayn doono marka laga reebo Maxamed Ilig iyo Wariye katirsan Horn Cable Tv
Waxaa kale oo uu iishegay in la xukumi doono oo kadib cafis madaxwayne lagu sii dayn doono.
Waxaan waydiiyay maxaa keenay in ilig dadka laga reebo oo loo rabo in la xukumo kadib waxu igu jawaabay niyahow waa loo taag heli waayay oo waa laga nasan wayaay dhawr jeerna waa loo sheegay inuu Cagaha dhulka kuhayo, Waliba kudarsoo MMTV Ruqsadii Sharci ahaanshiyaha ee Tv giisa lama siin wali oo tv ga ilig sharci malaha saacadii ladoono ayaa la xayiri karaa oo albaabada laiskugu dhufan karaaa .
Waxana Mardhawayd laii Xaqiijiyay in Tv ga MMtv aanu Haysan Warqadii Ruqsad siinta Tv ga ay kaga Xaniban tahay Xafiiska Madaxwaynaha oo hada La wareegay Ogolaansho Bixinta ugu dambeysa ee Ruqsad Bixinta waana hadal run ah oo sugan.
Runtii maan rumaysan oo inuu iska Kaftamayo ayaan uhaystay , Kaftan se may ahayn oo runbuu noqday saaka hadalkaasi oo waa lala hadhay ilig iyo wariyahaas horn cable Tv ka shaqaynayay. Waana talaabadii uhoreysay oo Fushay.
Bal Talaabada labaadna Waan Arki doonaa halkay kudhamaato
Allese waxan ka rajaynayaa Inaysan run Noqon in Xukun lagu rido
Isha Allah Maxamed wuu soo bixi doonaa,Waxaanan Hubaa inuu Adkeysi un Kasii qaado moooye aanay waxba udhimi doonin Xadhig iyo Caga jugleyn .
Waxa Qoray Xildhibaan Axmed Khalif

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this