Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland Oo Sii Daysay Qaar Kamid Ah Wariyayaal U Xirnaa

Recommended Posts

Deeq A.   
Ciidamada booliiska Somaliland ayaa xabsiga ka sii daysay 12-kamid ah 15- wariye oo dhawaan lagu xiray magaalada Hargeysa.

Waxaa sidoo kale wararka naga soo gaarayo Hargeysa ay sheegayaan in weli xabsiga ay ku jiraan saddex wariye oo kala ahMaxamed Cabdi Ilig oo ah maamulka (MM  TV), Cabdijibaar Maxamed Xuseen (Horn Cable TV) iyo Cabdirazmaan Cali Khalif (Gobanimo TV) , kuwaas oo aan weli lasoo daynin.

Wariyayaasha xoriyadooda helay saaka oo gaaraya 12 wariye ayaa kala ah :-
  1. Caydaruus Maxamed Goobjoog TV
  2. Xasan  Saleebaan Haariin Galeydh(BBC Somalia)
  3. Axmed Maxamuud Yuusuf(Saab TV),
  4. Axmednuur Samrawi(Bulsho TV)
  5. Maxamed Jamaal (MM Somali TV),
  6. Khaalid Alleedi (Horn Cable TV)
  7. Axmed Simaali(Horn Cable TV)
  8. Maxamed Suldaan(Horn Cable TV)
  9. Iyo saddex kale oo farsamoyaqaano ah oo aaney noo suurogelin in aan helno magacyadooda.

276156351_1932827856918037_3338774398248 278581940_1932827890251367_5192187005384

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this