Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyey ee doorashada guddoonka labada Gole ee BF Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaban qaabadii ugu dambeysay ee doorashada guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa haatan laga dareemayaa magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Diiwaangelinta xubnaha musharixiinta ayaa lagu wadaa inay maanta si rasmi ah uga bilaabato xarunta labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya, madaama jadwalka la shaaciyey lagu sheegay in diiwaangelinta ka bilaabayo 19-ka bishan April ee sanadka 2022-ka oo maanta ku beegan.

”Maalinta Barri ah 19 April 2022, guddiga doorashada guddoonka Golaha Aqalka Sare BFS wuxuu billaabayaa diiwaangelinta murashaxiinta u tartamaya xilka guddoonka golaha Aqalka Sare,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo ka soo baxay guddiga doorashada guddoonka Golaha Aqalka Sare Soomaaliya.

Guddoomiyaha iyo ku xigeenadiisa ee labada Aqal ayaa waxaa isku soo taagay xildhibaano iyo Senataro ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, kuwaas oo loolan u geli doono shir guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka.

Musharixiinta ayaa sidoo lale laga doonayaa in ay bixiyaan lacagaha ku xusan diiwaangelinta oo shalay la shaaciyet, gudbinta sooyaalkooda iyo isu diyaarinta qabashada doorashada guddoonka labada Gole.

Arrintan ayaa qayb ka ah dhammeystirka doorashada Soomaaliya, maadaama shalay la meel mariyey jadwalka doorashada ee guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya.

Dorashada ayaa waxaa loo qorsheeyey in ay dhacdo 26-ka April & 27-ka April 2022 oo la kala dooran doono guddoonka labada Gole, kadibna waxaa xigi doono doorashada Madaxweynaha oo ah tan ugu dambeysa.

The post Wararkii ugu dambeeyey ee doorashada guddoonka labada Gole ee BF Somalia appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this