Deeq A. Posted April 19, 2022 Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu wadaa in uu maanta u guuro magaalada Muqdisho si uu halkaaas uga bilaabo ololihiisa doorashada xilka Madaxtinimada Soomaaliya. Diyaar garow-ga soo dhowaynta Madaxweyne Siciid Deni oo ay ka qayb-galayaan siyaasiyiin kala duwan iyo mas’uuliyiin ayaa ka socota Garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho. Safarkiisa Muqdisho waxa ku weheliya Guddoomiyaha Baarlamanka iyo xubno ka tirsan Goleyaasha dowladda Puntland. Siciid Deni oo xalay Kulan la yeeshay Baarlamanka Puntland ayaa u sheegay in uusan iska casili doonin xilka haddii uusan ku guulaysan Villa Somalia. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Siciid Deni oo maanta ku wajahan Muqdisho appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites