Sign in to follow this  
Deeq A.

Abwaan Badal oo lagu dilay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16503028802043664.jpg?resize=720%

Koox ku hubeysan ayaa caawa Muqdisho ku dilay Abwaan Badal Jaamac Xirsi oo ka mid ahaa odayaasha dhaqanka gobolka Banaadir.

Abwaan Badal ayaa lagu dilay masjid ku yaalla xaafad ka mid ah degmada Kaxda, xilli uu ka soo baxay salaadii maqrib, waxaana goobta ka baxsaday kooxdii dilka geysatay oo sida la sheegay ku hubeysnayd baastoolado.

Abwaan Badal ayaa inta badan ka hadli jiray xaaladaha siyaasadeed ee dalka, isagoo si weyn u taageeri jiray dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo.

Laamaha amniga dowladda Soomaaliya ayaa weli ka hadlin dilka Abwaan Badal Jaamac Xirsi ee Muqdisho.

PUNTLAND POST

The post Abwaan Badal oo lagu dilay Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this