Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyey ee hoobiyeyaal Goordhaweyd oo Maanta ah  lagu garaacay Xarunta Baarlamaanka Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararkii ugu dambeeyey ee hoobiyeyaal Goordhaweyd oo Maanta ah  lagu garaacay Xarunta Baarlamaanka Somalia

 

 hoobiye12.jpg

Wararka naga soo gaadhaya magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ayaa sheegaya in goordhow hoobiyeyaal lagu garaacay xarunta Baarlamaanka Soomaaliya ee Villa Hargeysa, xilli ay ku shirayeen xubnaha labada Gole.

Hoobiyeyaasha ayaa ku dhacay afaafka hore ee xarunta, xilli uu soo dhammaaday kulan ay lahaayeen xildhibaanada labada Gole oo lagu ansixiyey habraaca doorashada guddoonka.

Xaaladda goobta ayaa mar qudha is-bedashay, waxaana khalkhal amni laga dareemay xarunta Baarlamaanka oo ay ka socotay shaqo adag oo lagu dardargelinayo doorashada.

Sida ay ogaatay Warbaahintu waxaa jira khasaare u badan,dhaawac iyo burbur ka dhashay hoobiyeyaasha lagu garaacay xarunta Baarlamaanka Soomaaliya.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dadka dhaawacmay ay ku jiraan laba ka mid ah ilaalada xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishkuur Warsame oo ku sugnaa barxadda Baarlamaanka.

Dhanka kale kooxda Al-Shabaab ayaa durbo sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, kadib qoraal ay ku baahisay Internet-ka, kaas oo kaga hadashay weerarka Baarlamaanka.

kooxda ayaa shaacisay in hoobiyeyaasha ay ku dhaceen gudaha xarunta, balse ma shaacin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay halkaasi.

Arrintan ayaa sii kordhineysa walaaca laga qabo amniga dalka, gaar ahaan magaalada caasimada ah ee Muqdisho, xilli lagu jiro kala guur iyo marxalad adag oo doorasho.

Somalia lawmakers prepare to elect new president, amid power struggle and violence

Caasimada Online – April 16, 2022
Somalia’s newly elected parliament convened for the first time on Saturday, bringing the war-ravaged nation a step closer to completing the drawn-out process of appointing…

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this