Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso: Goorta Ay Dhacayso Doorashada Guddoonka Labada Aqal

Recommended Posts

Deeq A.   

Baarlamaanka federalka Soomalaiya oo maanta kulan wadajir ah iskugu yimid labadiisa gole ayaa ansixiyey xeerka doorashada guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka federalka, waxaana lagu dhawaqaay goorta ay dhaci doonto doorashada guddoonka.

Doorashada guddoonka aqalka sare ayaa waxaa la qaban doonaa 26-ka April 2022-ka, halka guddoonka golaha shacabka la dooran doono 27-ka  April 2022-ka, waxaana lagu wadaa in guddiyada qaban qaabada ay dhowaan soo saaraan habraacyada iyo jadwalka doorashada.

Doorashada guddoonka labada aqal iyo midda madaxweynaha ayaa waxaa lagu wadaa in ay ka dhacdo magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, waxaana doorashada guddoonka aya qabsoomi doontaa laba maalin oo is xigta sida lagu ansixiyay xeerka doorashada guddoonka.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this