Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-shabaab oo Hoobiyeyaal Ku Weeraray Villa Hargeysa iyo Khasaare Ka Dhashay

Recommended Posts

Deeq A.   

Tiro madaafiic Hoobiyeyaal ah ayaa maanta waxaa lagu weeraray xarunta Villa Hargeysa ee maagaalada Muqdisho, xilli uu socday kulan wadajir ah oo ay la haayeen labada gole ee Baarlamaanka federalka ah.

Madaafiicda oo ku dhacday meelo aan ka fogeyn xarunta ayaa waxaa ka dhashay khasaare, waxaana inta la xaqiijiyay ku dhaawacmay 7 oo laba kamid ah ay yihiin ilaalada xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Alshabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka hoobiyeyaasha ah ee lagu qaaday xarunta Villa Hargeysa, waxaana barahooda ay ku sheegeen in madaadiifdu ay ku dhaceen Madaxtooyada oo bartimaameedku ahaa.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this