Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo kulan afur ah ku casumay xildhibaanada Baarlamanka Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan afur ah Caawa ku casumay xildhibaannada Baarlamanka Puntland.

Farriin qoraaleed kooban oo loo diray xildhibaannada ayaa lagu wargeliyay in ay afurka iska xaadiriyaan xarunta Madaxtooyada kadib markii madaxweynuhu ku marti-qaaday kulankaas.

Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale xalay la kulmay madaxweyne ku xigeenka Axmed Cilmi Cismaan iyo guddoomiyaha Baarlamanka Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.

Siciid Deni oo u sharraxan xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa in uu maalinta Talaadada u amba-baxo magaalada Muqdisho si uu halkaas uga bilaabo ololihiisa doorashada.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni oo kulan afur ah ku casumay xildhibaanada Baarlamanka Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this