Sign in to follow this  
Deeq A.

Garoowe: Xarunta Cusub ee Baarlamanka Puntland oo la dhagax-dhigay

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1650275172425.jpg?resize=396%2C26

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, Madaxweynaha Dawladda Puntland Mudane, Siciid Cabdulaahi Deni ayaa si rasmi ah u dhagax-dhigay Dhisme cusub oo uu yeelanayo Aqalka Wakiillada Dawladda Puntland.

Dhagax-dhiga ayaa Guddoomiyaha iyo Madaxweynaha waxaa kala qeyb-galay Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada DPL Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan, Gudoomiye ku xigeenka 2aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame, Madaxweyne ku xigeenka DPL Mudane, Axmed Cilmi Cusmaan Karaash, xubno ka tirsan Goleyaasha Dawladda.

” Xarunta cusub ee Golaha wakiillada oo si casri ah loo dhiso muddo 22 sannno ka dib waxaa laga fekeray, waa markii 1aad ee laga fekero in Baarlamaanka yeesho xarun cusub oo ku shaqeeyo, aad iyo aad baa uga mahadcelinayaa Madaxweynaha Dawlada Puntland inuu fursadaan nala hirgeliyo, taas oo ka turjumaysa Puntland iyo halka ay maanta taagan tahay, Isku tashi ayaa xaruntaa cusub lagu dhisi doonaa, qorshaheeduna waa dhameystiran yahay.” ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl.

Xarunta cusub ee maanta la dhagax-dhigay ayaa ka koobnaan doonta Xafiisyada Guddoonka Golaha, Guddiyadda Golaha, Hawl-wadeena, Hool Shirar, Guryaha degaanka, Goobo dumarka ku nastaan, Xafiisyadda maamulka, iyo masjid

Madaxweynaha Dawladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullahi Denni ayaa sheegay in Xarunta Golaha Wakiillada si dhaqso ah loo bilaabi doono.

“Waxaa muddo laga shaqeynayey sidii Baarlamaanka u heli lahaa xarun balaaran oo dhameystiran, haddii ay ahaan laheyd xafiisyadii Mudanayaasha, hoolashii, guud ahaan intii laga rabay xarun Baarlamaan oo dhameystiran, ayaa maanta halkaan ka dhagax-dhignay, sida Guddoomiyaha sheegay waxaa rajeynayaa in si dhaqso ah u bilaabto si dhaqso ahna u soo dhammaato.”

PUNTLAND POST

The post Garoowe: Xarunta Cusub ee Baarlamanka Puntland oo la dhagax-dhigay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this