Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo cambaareeyay hoobiyaal lagu tuuray xarunta Baarlamanka Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
1-7.jpg?resize=640%2C360&ssl=1

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa cambaareeyay falalka argagixisada ee la doonayo in lagu carqaladeeyo shaqada Baarlamaanka Federaalka ah.

Isku dayga Maanta waxa uu ahaa fal fulaynimo ah oo la doonayay in lagu cabsigaliyo Baarlamaanka oo ku guda jira waajib gudashadiisa dastuuriga ah si loo cuuryaamiyo in doorashadu dhaqso u dhammaato” ayaa lagu yiri war ka soo baxay xafiiska Rooble.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa bogaadiyay dadaalka Baarlamaanka ee dhammaystirka iyo dardargalinta doorashada.

Ra’iisul Wasaaruha oo bogaadinaya shaqada naf hurnimada ah ee Ciidamada Qaranka ayaa faray Taliyeyaasha Ciidammadu in ay labalaabaan dadaalkooda ku aaddan suggidda amniga iyo ka hortagista isku day kasta oo lagu carqaladaynayo amniga dalka, gaar ahaan xilligaan lagu guda jiro arrimaha doorashooyinka”

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul Wasaare Rooble oo cambaareeyay hoobiyaal lagu tuuray xarunta Baarlamanka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this