Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyey xiisadda maanta ee xarunta BF iyo arrimaha la isku hayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay Caasimada Online u sheegeen xubno ka tirsan xildhibaanada cusub ee baarlamaanka Soomaaliya, waxaa la filayaa in maanta ay fowdo ka dhacdo xarunta baarlamanka federaalka, ayada oo ay isku hayaan xildhibaano iska soo horjeeda.

Kulankan wadajirka ah oo ay maanta xarunta Villa Hargeysa ku yeelanayaan xildhibaanada Golaha Shacabka iyo Senatorrada Aqalka Sare ayaa lagu ansixinayaan jadwalka doorashada guddoonka labada Aqal oo la qorsheynayo in bishan gudaheeda lasoo gabagabeeyo.

Kooxda Rooble ayaa isku dayeysa inay dedejiso kulamada baarlamanka, si deg deg loogu doorto guddoonka, ayada oo ujeedaduna ay tahay in Fahad Yaasiin la dhaafiyo guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka.

Kursiga Fahad ayaa weli xayiran, balse waxaa jirta xog sheegeysa in Maxkamadda Sare ay fasixi doonto, taasi oo kooxda Rooble iyo guddiga doorashada ku qasbeysa inay si cad u diidaan go’aanka Maxkamadda ama fasaxaan kursiga.

Kooxda Fahad ayaa ayagana wada dadaal ay uga hortagayaan qorshahan, si dib loogu dhigo guddoonka doorashada, taasi oo waqti dheeri ah siineysa Fahad.

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah mucaaradka ayaa xaqiijiyey abaabulka socda ee ah in xildhibaano loogu tala-galay inay fowdo ka kiciyaan kulanka maanta lagu ansixinayo xeerka doorashada guddoonka labada Aqal.

“Farmaajo ayaa abaabulaya Xildhibaano beri fowdeeya kulanka Barlamaanka, si doorashada guddoonka barlamaanka dib ugu dhacdo. Waa qar-iskatuurnimo iyo isqarxin siyaasadeed. Waan hubaa inuu ku fashilmi doono siduu horay ugu fashilmay iskudayo nuucaan oo kale ah!” ayuu yiri Mahad Salaad.

Kooxda Rooble ayaa dhankoodana ku doodaya inaysan beegsaneyn Fahad, balse ay ka cabsi qabaan in Soomaaliya laga jarto dhaqaalaha caalamka.

Haddii bishan April dhexdeeda la doorto guddoonka labada Aqal waxaa yaraa doona cabsidii laga qabay in bartamaha bisha soo socota ee May – dalka laga jarto taageeradii dhaqaale ee kabka miisaaniyadda.

Sidoo kale dib u dhac dambe oo ku yimaada jadwallada doorashooyinka dalka ayaa halis galin kara nidaamka dib u habeynta deyn cafinta Soomaaliya.

Hase yeeshee waxaa jira dadaallo culus oo ay wado Villa Somalia, kuwaas oo xoogga lagu saaro in dib loo dhigo doorashada guddoonka baarlamnaaka, ilaa inta xal laga gaarayo diidmada natiijada doorashadii kursiga Fahad Yaasiin.

Fahad oo aad u doonaya inuu u tartamo kursiga guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha shacabka ayaa xoogiisa isugu geeyey sidii loo fasixi lahaa kursigiisa, inta aan la gaarin doorashada guddoonka oo la qabanayo 27-ka bishaan.

Sida ay ogaatay Caasimadda Online Maxkamadda Sare ayaa maalinta Talaadada ah ee 19-ka bishaan, waxay qaadi doontaa dacwadda kiiska kursiga Fahad Yaasiin, iyadoo loo badinayo inay soo saarto go’aan ay ku fasaxeyso, maadaama guddoomiyaha maamula uu aad ugu dhowyahay nidaamka Farmaajo.

Balse khuburada sida dhow u darsa siyaasadda Soomaaliya waxay qabaan in go’aanka Maxkamadda Sare oo la sii saadaalinayo in aysan dhexdhexaad aheyn, uusan wax badan u soo kordhineyn qorshaha la hor istaagay ee Fahad Yaasiin.

Guddigga loo xil-saaray qabanqaabada doorashada guddoonka golaha shacabka iyo xafiiska Rooble oo hoggaanka u haya doorashooyinka, dagaal xuna uu kala dhaxeeyo Fahad Yaasiin iyo guud ahaan garabka Farmaajo ayaa dedejinaya doorashada guddoonka oo dhaceysa inta aysan dhamaan bishaan April, sida la qorsheeyey.

Xubnaha guddiga loo xil-saaray qabanqaabada doorashada guddoonka golaha shacabka ayaa shalay guddoomiye u doortay Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo ka tirsan xisbiga Madaxweyne Xasan Sheekh, taasina waxay sii xumeysay rajadii tartanka guddoomiye ku xigeen ee Fahad Yaasiin.

The post Wararkii ugu dambeeyey xiisadda maanta ee xarunta BF iyo arrimaha la isku hayo appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this