Sign in to follow this  
Deeq A.

Daa’uud Cadar: Maalmo ka dib geeridii Aabihiis oo isna la DILAY + Vedio

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa magaalada Muqdisho lagu dilay Daa’uud Cadar Cilmi oo ahaa wiil dhalinyaro ah, kuna shaqeysanayey mootada nooca Bajajta, kadib markii uu rasaas ku furay askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Marxuumka ayaa waxaa xilliga Afurka ee shalay gelinkii dambe lagu dilay Aargada Dayniile, isaga oo Sooman isla-markaana socday xaafaddiisa, si uu uga soo afuro.

Daa’uud Cadar ayaa korinayey sideed caruur ah oo isagu dhalay iyo sideed kale oo uu maalmo ka hor ka geeryooday Aabihiis, sida ay sheegtay Hooyada dhashay marxuumka.

“Daa’uud Aabihiis bil-buu duugan yahay hadda dhow ayuu dhintay aniga hadda Asaay ayaa ii saaran. Sideed caruur ah oo isugu dhalay iyo sideed kale oo aan aniga dhalay oo isagu u dhaq-dhaqaaqayey ayaa ku nool meeshaan marka xaq darro ayaa lagu dilay,”ayey tiri.

Sidoo kale Hooyadan oo ay ka muuqatay tiiraanyo ayaa baaq u diray dowladda, gaar ahaan ra’iisul wasaaraha, madaxweynaha iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir, waxayna ka codsatay in cadaalad loo helo wiilkeeda, maadaama uu baxsaday askarigii dilay.

Hooyadan ayaa sidoo kale shaacisay in wiilkeeda Daa’uud Cadar Cilmi uu ahaa qofka kaliya ee u dhaq-dhaqaaqayey qoyska, kuna tiirsaneyd noloshooda.

“Waxaan codsaneynaa ninkaas dadkii xaq darrada ku dilay dadka ay quseysay oo ra’iisul wasaaraha leh oo madaxweyne leh oo guddoomiye leh inaan cadaalad helno. Cadaalad ayaan u baahanahay dad maras ah ayaa nahay isagaa noo dhaq-dhaqaaqayey aniga waayeel ayaan ahay” ayey markale tiri Hooyada dhashay Marxuum Daa’uud Cadar Cilmi.

Dhacdadan murugada leh ayaa qayb ka noqoneyso dhibaatooyinka ka dhashay dilalka ay askarta ciidamada dowladda ka geystaan Muqdisho oo sii kordhayey maalmahaan dambe.

The post Daa’uud Cadar: Maalmo ka dib geeridii Aabihiis oo isna la DILAY + Vedio appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this