Sign in to follow this  
Deeq A.

Galmudug way kaga dheereysay Puntland kobcinta xiriirka Koonfur Galbeed

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16502347697525680.jpg?resize=396%Madaxweyne Qoorqoor oo Baydhaba lagu soo dhoweynayo.

Waxaan akhriyay faallo ku soo baxday Puntland Post toddobaadkii hore. Qoraha faallada ayaa ku boorriyay Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni inuu taageero xaqa matalaadda reer Koonfur Galbeed oo fogeyn iyo gardarro ay ka soo gaartay go’aanka xubno ka tirsan guddiga doorashooyinka heer federaal (FEIT).

Wax lala yaabo ayay ahayd in Muuse Geelle, Guddoomiyaha FEIT, uu u muuqda inuu lumiyay dhexdhexaadnimada.

War saxafaadeedyada ka dhanka ahaa Koonfur Galbeed kana soo baxay garab ka mid ah FEIT waxaa ka muuqday aqoondarro haysata xulafada Ra’iisal Wasaare Rooble oo Koonfur Galbeed u arka maamul la jiiri karo siyaasad ahaan. Faallada uu qoray Siyaad Cali Jaamac waxay Madaxweyne Deni si gaar ah ugu baraarujisay inuu Golaha Hoggaaminta Qaran ka mid yahay, lana gudboon tahay inuusan sheedda ka daawan fogeynta FEIT xubno ka tirsan ku hayaan Koonfur Galbeed.

20220418_022351.jpg?resize=298%2C303&ssl

Aad baan ugu farxay in Cali Xaaji Warsame, Wasiirkii hore ee Waxbarashada Puntland uu u guuxay sida uu qoruhu ugu nasteexeeyay Madaxweyne Deni oo sida uu uga aamusay xadgudubyada xubnaha FEIT ay noqotay wax ceeb ku ah sooyaalka siyaasadda Puntland waayo Koonfur Galbeed waa maamulka hirgalinta habka federaalka si niyadsami leh ugu heellan.

Waxaa si gaar ah ii soo jiitay booqashadii uu dhowaan Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaar (Qoorqoor) ku tagay Baydhabo si uu Koonfur Galbeed uga raalligaliyo meel ka dhaca xubnaha FEIT qaarkood geysteen. Qoorqoor wuxuu sheegay in aan doorasho la qaban karin iyadoo maamul uu maqan yahay. Hadalkiisii ayaa keenay in xubnaha looma-taliyaanka ah ee FEIT dib iskugu noqdaan. Taasi waxay caddaynaysaa in Galmudug kaga dheereysay Puntland kobcinta xiriirka labada maamul la kala leeyihiin Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Deni wuu garab istaagi karay Koonfur Galbeed oo ah maamul saameyn leh, dadka ka soo jeedana kaalin lama-illoobaan ah ka qaateen horumarka ganacsi ee Puntland. Fulow guuli kuu dhoweydaa.

Siciid F. Calwaan, Tennessee, USA.

The post Galmudug way kaga dheereysay Puntland kobcinta xiriirka Koonfur Galbeed appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this