Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Jadwalka doorashada guddoonka golaha shacabka oo aan helnay (Aqriso)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lasoo saaray jadwalka doorashada guddoonka golaha shacabka, kaas oo ay heshay Caasimada Online, sida ku cad jadwalkaan, bishaan April inta aysan dhamaan ayaa la qorsheeyey inay dhacdo doorashada guddoomiyaha golaha shacabka iyo labadiisa ku xigeen.

Inkastoo dib u dhaca jadwallada doorashooyinka Soomaaliya ay caadi iska noqdeen, hadana waxaa muuqata in guddiga loo xil-saaray doorashada guddoonka iyo xukuumadda ay ka go’antahay inay dedejiyaan doorashadaan.

Sabtidii shalay ee 16-kii April ayaa la magacaabay Guddiga qabanqaabada doorashada guddoonka Golaha Shacabka oo ka kooban 10 xubnood.

Axadii maanta ee 17-ka April ayaa xubnaha guddigaas waxay iska dhex doorteen guddoomiye hoggaamin doona guddiga qabanqaabada doorashada guddoonka Golaha Shacabka, waxaana ku guuleystay Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed.

Berri oo ku beegan 18-ka April waxaa labada Aqal ee baarlamaanka lagu balamiyey kulan wadajir ah, kaas oo lagu ansixinayo xeerka doorashada guddoonka labada Aqal.

19-ka ilaa 20-ka bishan April, oo kala ah Talaadada iyo Arbacada soo socda ee todobaadkaan ayaa la qorsheeyey inay dhacdo diiwaan-gelinta murashaxiinta guddoonka Golaha Shacabka. (9:00 ilaa 16:00 xilliga Shaqada).

Sida ku cad jadwalkaan ay heshay Caasimada Online 23-ka bishaan ayaa la qorsheeyey inay dhacdo ‘hadal jeedinta musharaxiinta guddoomiyaha Golaha Shacabka.’

Sidoo kale maalinta xigta ee 24-ka April, sida la qorsheeyey waxaa dhici doonta ‘hadal jeedinta musharaxiinta guddoomiye ku xigeenada Golaha Shacabka.’

Ugu dambeyntii, 25-ka ilaa 26-ka bisha waxaa la siiyey fursad ay xubnaha guddigu isugu diyaariyaan doorashada guddoonka golaha shacabka oo la qorsheeyey inay dhacdo 27-ka bishaan April.

The post Xog: Jadwalka doorashada guddoonka golaha shacabka oo aan helnay (Aqriso) appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this