Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Qatar oo ballan-qaad culus u sameysay Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) – Safiirka Qatar ee Soomaaliya ayaa gaaray caasimada Somaliland ee Hargeysa, halkaasi oo ay si weyn ugu soo dhaweeyen Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland iyo masuuliyiin kale.

Amb. Hassan Bin Hamza Hashem ayaa magaalada Hargeysa u yimid kormeerka iyo sidii uu indhihiisa ugu arki lahaa baaxadda dhibaatadii uu geystay dabkii dhawaan ka kacay suuqa weyn ee Waaheen.

Madaxweyne ku-xigeenka oo ay wehelinayaan guddida gurmadka iyo taakulaynta suuqa Waaheen, xubno kamid ah golaha wasiirrada, ayaa safiirka geeyey badhtamaha suuqa gubtay ee Waaheen oo ay weli ka socoto nadiifinta hadhaaga hantidii gubatay.

Waxa uu safiirku indhihiisa ku arkay inta ay le’eg tahay dhibaatada dabku geystay, isaga oo muujiyey sida uu uga xun yahay dhibka gaadhay dhaqaalihii bulshada reer Somaliland ee halkaas ku ganacsan jirtay.

Saylic ayaa safiirka uga xog warramay dhibaatada uu dabku gaadhsiiyey ganacsatadii suuqa ku ganacsan jirtay iyo hantidii kala duwanayd ee halkaas taallay, waxana uu sheegay inay kumanaan qof oo hantiileyaal ahaan jiray haatan faro-madhnaan taagan yihiin oo uu dabkaasi hantidoodii baabi’iyey.

Safiirka dalka Qatar oo ay wehelinayaan, Fahad Al-Dehemi oo ah sarkaal ka socday gargaarka caalamiga ah ee Qadar iyo Yuosef Al-Mulla oo ah Cilmi baadhe dhinaca Gargaarka Bini’aadamnimada ee Qadar iyo Ali Abdullah Al-Dabbagh, ayaa muujiyey sida ay uga tiiraanyeysan yihiin dhibka gaadhay hantidii bulshada reer Somaliland.

Ugu dambeyntiina waxa uu Amb Hassan Bin Hamza uu wareejiyey mucaawimo raashin ah oo ay ugu talo-galeen 750 qoys oo oo danyar ah, isaga oo ballan qaaday inay ka dawlad ahaan ka qayb qaadan doonaan dib-u-dhiska suuqa gubtay ee Waaheen.
278314067_539033117582930_35356124607397 278568398_539033577582884_23448566375302 278388121_539035084249400_71897497031623 278549166_539033490916226_75984183519255 278386658_539033350916240_76224422408614 278588046_539033360916239_26171512406168 278566202_539033214249587_63306111415470 278443183_539033380916237_45215953110312 278401877_539033960916179_77178049783795 278412668_539033670916208_55735721565079 278429597_539033514249557_91411113609085 276160086_539034340916141_36075045482973 278332518_539034024249506_71470733761803 278285453_539034237582818_15897679336763

The post Sawirro: Qatar oo ballan-qaad culus u sameysay Somaliland appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this