Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Jubbaland oo la kulmay wafdi ka socda guddiga doorashooyinka heer Federaal ee FEIT

Recommended Posts

Deeq A.   
4-3.jpg?resize=696%2C464&ssl=1

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa xarunta madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay Gudoomiyaha Guddiga doorashooyinka heer federaal Muuse Geelle Yuusuf, oo ay wehelinayaan gudiyada kala duwan ee doorashooyinka.

Kulanka ayaa lagaga hadlay qabsoomida doorashada deegaan doorashada labaad ee Jubaland ee degmada Ceel-waaq iyo sidii loo dardar galin qabashada doorashada 16-ka kursi.

Madaxweynaha ayaa balan qaaday inJubaland ay diyaar la tahay wixii tageero ah oo ay guddiyadu uga baahan yihiin.

Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer federaalka Muuse Geelle ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo si loo o dardar geliyo dhammeystirka goob-doorashada labaad ee Jubbaland.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Jubbaland oo la kulmay wafdi ka socda guddiga doorashooyinka heer Federaal ee FEIT appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this