Deeq A. Posted April 17, 2022 Maraakiibta waaweyn ee jariifka ayaa maalmihii la soo dhaafay ka baxay dhammaan xeebaha Puntland sida ay xaqiijinayaan warar lagu kalsoonyahay. Waxaase weli xeebaha Puntland ku sugan doonyo kalluumeysi oo laga leeyahay Yemen iyo Iraan kuwaas oo qaarkood la siiyay shatiyo kalluumeysi halka qaar kalena ay si sharci-darro ah uga jillaabtaan. Wararka ayaa sheegaya in xeebaha Soomaaliya oo dhan ay ka baxeen maraakiibta jariifka kadib markii ay dhowaan dacwad ka gudbisay dowladda Federaalka Soomaaliya. Dacwadda ay Soomaaliya ka gudbisay maraakiibta Jariifka ayaa lagu lifaaqay magacyada iyo xogta maraakiibta sida sharci-darrada ah uga kalluumeysta xeebaha Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Maraakiibta jariifka ah oo ka baxay xeebaha Soomaaliya appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites