Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Dowladda Imaaraadka Carabta Oo Ku Gacan-saydhay Madaxweynaha Puntland Siciid Deni

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Dubai)-Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa diiday inay taageerto musharaxnimada madaxweyne ee Soomaaliya ee madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo u baahan dhaqaale xooggan inkasta oo uu soo saartay xildhibaano ka badan 40.

Deni oo Imaaraadka kala kurmay farriin aanu fileyn oo ah in ayna taageereyn oo ayna dhaqaale u hayn ayaa hadda u weecday qorshe labaad, isaga oo xubno ku dhow oo wasiiradiisa ka tirsan u diray magaalada London ee dalka UK.

Safarka wasiirada aaday London ayaa hordhac u ah kulan uu Deni doonayo inuu halkaas ku tago, isaga oo la filayo inuu maanta kusoo laabto magaalada Garoowe kadib maalmo uu ku sugnaa Nairobi.

Deni ayaa la filayaa inuu London kula kulmo shirkad shidaal oo uu ka iibinayo ceelal shidaal oo Puntland ku yaalla, isaga warqad ogolaansho ah ka qortay raysal wasaare Rooble, taasi oo dhigeysa inuu u madax banaaneeyey inuu heshiis hordhac ah la gaadhi karo shirkadaha shidaalka.

Haddii shirkadahaas ay aqbalaan soo-jeedinta Deni waxay bixin karaan lacag horumarin ah oo gaadhaysa 5 milyan oo dollar, si uu doorashada xilka madaxweynaha ugu bixiyo.

Doorashada Soomaaliya ee sannadkan ayaa la filayaa inay noqoto tan ugu qarashka badan, iyada oo warar qaar ay sheegayaan in Farmaajo uu haysto 20 milyan oo dollar, oo ay badankeed bixineyso dowladda Qatar.

Safarka Deni ee London ayaa lagu dhex-qariyey soo dhoweyn la sheegay inay halkaas ugu sameynayaan jaaliyadda Reer Puntland, balse ujeedka ugu weyn uu yahay la-kulanka shirkadaha shidaalka.

Deni ayaa waxaa dhinaca kale saaran cadaadis ka imanaya siyaasiyiinta iyo waxgaradka Puntland oo ah inuu xilka madaxweynaha Puntland iska casilo ama ka haro tartanka doorashada Soomaaliya.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this