Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Muuse Geelle iyo Xubno Ka Tirsan FEIT oo Gaaray Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha guddiga hirgelinta doorashooyinka dadban Muuse Geelle Yuusuf ayaa goordhow gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka u ah maamulka goboleedka Jubbaland, waxaana soo dhoweeyay madax ka tirsan maamulkaas.

Wafdiga ayaa waxaa lagu wadaa in ay la kulmaan madaxda maamulkaas iyo guddiga doorashooyinka SEIT Jubbaland, iyagoo ka wada hadlaya sidii loo dadajin lahaa dooorashada kuraasta gobolka Gedo ee lagu dooranayo maagalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Guddiga ayaa dhowaan ku dhawaaqay in deegaan doorashada labaad ee Jubbaland loo wareejiyay magaalada Ceelwaaq, kadib markii lagu heshiin waayay magaalada Garbahaareey  oo horay loogu asteeyay in ay noqoto deegaan doorashada labaad.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this