Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Yaa loo doortay gudoomiyaha guddiga doorashada guddoonka BF?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha guddiga qaban qaabada ee loo xil-saaray doorashada guddoonka Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho, iyaga oo iska dhex doortay guddoomiye iyo sidoo kale xoghaye.

Guddoomiyaha guddiga ayaa waxaa loo doortay Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo helay 5 cod kaas oo ay deegaan doorashadiisu tahay HirShabelle, gaar ahaan Beledweyne.

Cabdirisaaq oo ka mid ah xubnaha mucaaradka ayaa hoggaamin doono doorashada guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka iyo ku xigeenadiisa oo dhowaan la qabanayo.

Sidoo kale xoghayaha guddiga qaban qaabada doorashada ayaa waxaa isna loo doortay Xildhibaan Maxamed Abuukar Cabdi oo helay 4 cod.

Madasha ay codeynta ka dhacday ayaa waxaa goobjoog ahaa guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka, Cabdisalaan Dhabancad iyo Xoghayaha joogtada ah ee Golaha Shacabka.

Doorashada guddoonka cusub ee baarlamaanka ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda la qabto, iyada oo shalay la magacaabay guddiga qaban qaabada oo ka kooban illaa 10 qof.

Si kastaba, doorashadan oo si weyn loogu hardami doono ayaa muhiim u ah doorashada madaxweynaha ee afarta sano ee soo socota, taas oo loo geli doono loolan culus.

278572699_299872978990011_70648315327216 278194368_299872722323370_52119973780113 278278957_299872575656718_30220105285626 278301351_299872692323373_39836236359967 278463983_299872755656700_38599016073757 278546891_299873022323340_23210747826373278794672_119657657343263_87723846677879

The post Sawirro: Yaa loo doortay gudoomiyaha guddiga doorashada guddoonka BF? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this