Sign in to follow this  
Deeq A.

Musharrax Khayre oo xalay kulan la yeeshay xildhibaanno laga soo doorto Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Musharrax Madaxweyne Xasan Cali Khayre ayaa sida wararku sheegayaan xalay kulan afur ah u sameeyay xildhibaanno laga soo doorto Puntland.

Qaar kamid ah xildhibaannada laga soo doorto Puntland oo aan rabin in magacyadooda la xigto ayaa noo xaqiijiyay in Xasan Cali Khayre uu afur u sameeyay xildhibaannada qaarkood islamarkaana kala hadlay ololihiisa dooorashada madaxtinimada dalka.

Musharrax Khayre ayaa xalay wuxu afur u sameeyay qaar kamid ah saaxiibadeenii laga soo doortay Puntland. Afurka kadib ayuu kulan gaar ah la yeeshay isagoo kala hadlay ololihiisa” ayuu yiri qof magaciisa diiday.

Xubno la sheegay in ay kulanka ka qayb-galeen oo aan xiriir la samaynay ayaa dhankooda noo xaqiijiyay warkan balse waxay hoos u dhigeen in Musharrax Xasan Cali Khayre uu doorasho kala hadlay.

Waa run oo waa jirtaa in afur uu noo sameeyay Musharrax Khayre balse doorasho kama hadlin. Wuxu ahaa kulan is barasho iyo is-xog wareysi ah” sidaas waxan ka xiganay xubin ka qayb-galay kulanka.

Waxa xusid mudan in munaasabaddii dhaarinta xildhibaannada sawirro laga soo qaaday Musharrax Khayre oo la taagan dhawr xildhibaan oo laga soo doorto Puntland.

PUNTLAND POST

The post Musharrax Khayre oo xalay kulan la yeeshay xildhibaanno laga soo doorto Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this