Sign in to follow this  
Deeq A.

Arrin Muqdisho ka taagan oo wax laga qaban waayey oo ‘loogu yeeray’ Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo ka hadlay dhacdooyinkii mudooyinkii lasoo dhaafay ka taagnaa magaalada Muqdisho ayaa shaaciyey inay jiraan degmooyinka tirsan caasimadda oo qoysaska ku nool ay u dacwoodeen kooxda Al-Shabaab.

Mushkiladaan lasoo deristay dadka shacabka ah ee ku nool inta badan xaafadaha magaalada Muqdisho ayaa ah ‘ciyaal weero’ dadka dhacaya, dilaya, haweenka kufsanaya, gaadiidka iyo guryahana burburinaya.

“Waxaa la ii sheegay in xaafado ka tirsan degmada Dharkenley ay dadka ku nooli Shabaab la xariireen, iyagoo uga dacwoonaya ciyaal weero, waxay habeen dhow dileen 3-qof, xaafadaha qaarna guryihii ayaa looga qaxay,” ayuu yiri Odawaa.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa ayaa sidoo kale sheegay in dowladdu ay u babac-dhigi la’dahay dhalinyarada ficilada noocaas ah ka sameyneysa gudaha magaalada Muqdisho.

“Xaafado dhan oo ka tirsan magaalada Muqdisho ayaa ciyaal-weero looga qaxay, iska dhaaf Shabaab iyo ciidan dowladeed oo taleefano furtaye, waxaa dadkii laga celi la’yahay ciyaal weero kaliya,” ayuu yiri Odawaa.

Wuxuu sheegay in faro ka baxa amniga caasimadda Muqdisho uu gaaray heerkii ugu sareeyey, isla markaana hey’adaha ammaanka ay ku guul dareysteen inay u babac dhigaan dhalinyaro si joogto ah fowdo uga sameysa gudaha caasimadda.

Hoos ka daawo

The post Arrin Muqdisho ka taagan oo wax laga qaban waayey oo ‘loogu yeeray’ Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this