Sign in to follow this  
Deeq A.

Ururka Saxafiyiinta Solja oo War Kasoo Saaray Wariyeyaal Maalintii 4-aad u Xiran Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Ururka saxafiyiinta Solja ee ka dhisan Somaliland ayaa war kasoo saaray  xarigga tiro saxafiyiin ah, kuwaas oo xiran maalintii afaraad, waxaana qoraal kasoo baxay lagu sheegay in xalaado caafimaad ay wanaagsan tahay, marka laga reebo Maxamed Cabdi Sheekh oo laga soo sheegayo xaaladda caafimaad darri CID-da lagu dabiibayo.

Agaasimaha guud ee warbaahinta Goobjoog Xasan Maxamuud Maxamuud  ayaa ka dalbaday Somaliland in ay sii daayaan dhammaan weriyeyaasha xiran isaga oo intaa raaciyay in Goobjoog aad uga welwelsan tahay xaladda weriye Caydaruus Maxamed Axmed, isagoo rajeyneyay inuu xoriyaddiisa helo sida uga dhaqsiyaha badan.

Halkaan Ka Akhriso qoraalka ururka 

 

Image

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this