Sign in to follow this  
Deeq A.

Ruushka oo dalkiisa ka mamnuucay ra’iisal wasaarana Uk, Boris Johnson+Sababta

Recommended Posts

Deeq A.   

Ruushka oo dalkiisa ka mamnuucay ra’iisal wasaarana Uk, Boris Johnson

 boris.jpg

Ruushka ayaa dalkiisa ka mamnuucay Ra’iisul Wasaare Boris Johnson iyo wasiirro kale inay soo galaan Moscow, sababo la xiriira mowqifka UK ee dagaalka Ukraine.

Xoghayaha Arimaha Dibada Liz Truss, Xoghayaha Difaaca Ben Wallace iyo 10 kale oo siyaasiyiin sare ah – oo u badan xubno ka tirsan Golaha Wasiirada – ayaa sidoo kale laga mamnuucay inay galaan dalka Ruushka.

Moscow ayaa sheegtay in go’aankan uu ahaa mid looga aargoosanayay cunaqabateynta UK ay saartay tan iyo markii ay gudaha u gashay Ukraine. Bishii Maarso, Moscow waxay sidoo kale dalkeeda ka mamnuucday madaxweynaha Mareykanka Joe Biden.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this