Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan Si adag u duray Taliyaha & Ciidanka Booliiska S/land

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaan Si adag u duray Taliyaha & Ciidanka Booliiska S/land

May be an image of 1 person and text
Waxaan is weydiiyey qofka Muwaadinka ah ,ee Miskiinka ah ee Cadaalada u baahda ama ciidanka Booliska wax ka tirsada sida uu dulmi ,Cadaalad darro iyo ku tagri fal awoodeed uga badbaadi karo .
Marka Xildhibanad Xasaanad leh sida Xildhibaan Maxamed Abiib waxaas aad arkeysaan uu Janankii Ciidanku kula kacay , Iyadoo hanjabaadaas iyo digdigtaas ay afxumo iyo Masuuliyad xumo uun ay thy ee aanu wax alle iyo wax uu ku sameyn karaa jirin .
Tani waxay Cadeyneysaa in Ciidankeenii Boolisku xumaadey oo uu maanta u dhaqmayo sidii Maleeshiyaadka , uuna gabaad u noqdey , Tacadiga , tasaruf awoodeed oo aan sharuucda dalku siin iyo ku milan siyaasadeed oo ka saartey Nidaamkii Ciidan u dhaqmi lahaa .
Marna waxaanan xaqooda lumineyn in kooban oo wanaagsani in ay jirto oo leh Saraakiil iyo Askarba , laakiinse aan wax la weydiin oo yaguba dulmanayaal ah .
Waxa i taabatey Somaliland Cadowgeeda ayaad thy iyo Somaliland ma tihid !
Somaliland Dhalashadeeda ma reer baa bixiya
Ma masuul aan shaqadiisa garaneyn baa bixiya
Ma koox nacamleynta iyo guul wadeynta masaariifta ayaa bixisa !
Waxaan is weydiiyey yuu uyaqaan Jananku Cadowga Somaliland .
Ma reer Awdal buu u yaqaanaa !
Hadaba Jananka ayeynu ka rabnaa in uu Cadeeyo Sababta uu Xildhibaan Qaran ugu tilmaamey
Cadowga Somaliland .
Waxa qoray Xildhibaan Mustafe Ahmed Khayreeye
kheyreeye.png

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this