Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga doorashada BF oo la magacaabay iyo sida ay beelaha u qeybsadeen

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha ku meel gaarka ah ee Golaha Shacabka Xildhibaan Cabdisalaan Axmed Dhabancad ayaa magacaabay guddiga qaban qaabada doorashada Guddoonka Golaha Shacabka oo ka kooban 10 xubnood oo ka soo kala jeeda shanta beelood, kuwaasoo kala ah:

Guddigan ayaa la faray inay sida ugu dhaqsaha badan u diyaariyaan doorashada guddoonka golaha shacabka, taasi oo dhabbaha u xaareysa in la gudo galo doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Guddigaan ayaa maalinta berri oo Axad ah magaalada Muqdisho ku yeelan doona kulankooda ugu horreeya, iyagoona ka arrinsan doona howlaha loo idmaday ee ah doorashada guddoomiyaha golaha iyo labadiisa ku-xigeen.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maanta kulankii ugu horreeyay ku yeeshay Villa Hargeysa, wuxuuna Ajendaha kulankaas ahaa dhaarinta Xildhibaano cusub iyo magacaabista Guddiga doorashada Guddoonka Golaha.

1- Cabdullaahi Rooble- kasoo jeeda Puntland (Daarood)
2- Mohamed Hussein Hadi- Kasoo jeeda Somaliland (Dir)
3- Cabdirisaaq Cumar- kasoo jeeda Hirshabeelle. (Mogadishu Clan)
4- Xuseen Maxamed Nuur- kasoo jeeda Galmudug (Mogadishu Clan)
5- Xaaji Cali Max’ed Nuur- Kasoo jeeda Koonfur Galbeed (Digil iyo Mirifle)
6- Maxamed Abukar- Kasoo jeeda Koonfur Galbeed (Digil iyo Mirifle)
7- Dahabo Suusow Maxamud- Kasoo jeeda Hirshabeelle (Beesha 5aad)
8- Qaasim Cilmi Seed- kasoo jeeda Galmudug (Daarood)
9- Cumar Sharif Jeeg- kasoo jeeda Banaadir (Beesha 5aad)
10- Nasro Mahdi Caraale- kasoo jeeda Jubbaland (DIR).

278442264_299259665718009_91278797914710 278471666_299267402383902_42059134303357 278567960_299268365717139_82195434427175 Sanbaloolshe.jpeg?resize=696%2C473&ssl=1 Odowaa-Odawaa.jpeg?resize=696%2C535&ssl= Saabir-Odowaa.jpeg?resize=696%2C464&ssl= Beene-Beene.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1 278292191_299268785717097_28535817008337 278576227_299268792383763_76423397154394 276169522_299268899050419_65625334660255 Sheekh-Aadan-Madoobe.jpeg?resize=696%2C5

The post Guddiga doorashada BF oo la magacaabay iyo sida ay beelaha u qeybsadeen appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this