Sign in to follow this  
Deeq A.

Aqris Magacyada: Guddiga doorashada Guddoonka Aqalka Sare oo la magacaabay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha ku-meel gaarka ah ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab ayaa maanta magacaabay guddiga doorashada guddoonka Aqalka Sare kadib soo jeedintii ka timid xildhibaanada Aqalka Sare.

Senatorada Aqalka Sare ayaa Maanta kulankii ugu horreeyay ku yeeshay Magaalada Muqdisho, waxaana kulanka Ajendihiisa uu ahaa Warbixinta Guddoomiyaha KMG ah ee ku aadan howlaha horyaalla Senatorada Aqalka Sare Baarlamaanka dowladda.

Guddi ka kooban 6 xubnood ayaa loo magacaabay inay qabanqaabiyaan doorashada guddoonka Aqalka Sare oo ka kooban guddoomiye iyo Laba guddoomiye ku xigeen, waxaana lagu soo xulay hanaan maamul, ayada oo maamul goboleed kasta hal xubin laga keenay, laguna daray xubin ka socota Somaliland.

Magacaabista xubnaha ayaa dedejineysa doorashada guddoonka Aqalka Sare, taasi oo dhabbaha u xaareysa marka ay dhacdo in sidoo kale la qabto doorashada madaxweynaha Soomaaliya. 

Xubnaha Guddiga Doorashooyinka Guddoonka Golaha Aqalka Sare ayaa isla maanta yeeshay kulankoodii koowaad waxayna Senator Aadan Cabdinaasir Maxamed u doorteen Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Golaha Aqalka Sare

Senator Samsam Daahir Maxamuud ayaa iyana loo doortay guddoomiyaha Diiwaan gelinta murashaxiinta Guddoonka Golaha Aqalka Sare, halka Senator Farxaan Cali Xuseen loo doortay Guddoomiyaha Maaliyadda Guddiga Doorashada Guddoonka Golaha Aqalka Sare.

Halkaan hoose ka akhriso magacyada guddiga la magacaabay

1- Sheekh Aadan Cabdinaasir Maxamed ( Koonfur Galbeed)
2-Siciid Cabdi Xuseen (Somaliland)
3- Farxaan Cali Xuseen (Puntland)
4- ZamZam Daahir Maxamuud (Galmudug)
5- Cabdirisaaq Maxamed Cusmaan ( Jubbaland)
6- Zamzam Cabdullaahi Axmed (HirShabelle)
278175585_307086758275857_30265194550529 278582746_307086768275856_79473659602367 Gaagaab.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1 Aqalka-Sare.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1 Aqalka-Sare-2.jpeg?resize=696%2C464&ssl= Gaagaab-2.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1 Aqalka-Sare-3.jpeg?resize=696%2C464&ssl= Aqalka-Sare-4.jpeg?resize=696%2C464&ssl= 278449354_307010741616792_36432695922289 276151202_307010794950120_61804898297678 276153617_307010831616783_77190127159055 Faroole.jpeg?resize=696%2C521&ssl=1 278496737_307010878283445_32688683415259 Aqalka-sare-5.jpeg?resize=696%2C464&ssl= 278215309_307010041616862_86496484518764 Aqalka-Sare-6.jpeg?resize=696%2C464&ssl= 278529462_307010138283519_53432765058722

The post Aqris Magacyada: Guddiga doorashada Guddoonka Aqalka Sare oo la magacaabay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this