Deeq A. Posted April 16, 2022 Iyada oo weli abaar daran ka jirto guud ahaan deegaanada Puntland, haddana rajada curashada Gu’ga ee satimaankaan ayaa ah mid sarraysa. Gobolada Mudug, Sool, Cayn, iyo degmooyinka (Garoowe, Burtinle, Dhahar, iyo Ceergaabo) ayaa la filayaa in roobabka Gu’ga ka curtaan maalmaha 18-22 ee bisha Abriil, Xaddiga roobabka la filayo ayaa celcelis ahaan u dhaxeeya (30-40 mm). Degmada Jariiban iyo dhulka dhoodida ah ee Sool iyo Nugaal ayaa laga filayaa xaddi roobaad gaari kara (50-70 mm). Deegaanada aan curasha roobku ka muuqan satimaankaan oo ay ilaa hadda abaar aad u daran ka jirto waxaa kamid ah inta badan gobolada (Bari,karkaar, Gardafuu, iyo dhammaan degmooyinka dhaca Xeebaha Puntland). FG: Dhammaan Bulshada reer Puntland gaar ahaan xoolo-dhaqatada, beeralayda iyo gaadiidleyda ku dhaqan deegaanada saadaasha xaddiga roobabku sarreeyo waa inay taxadar dheeriya muujiyaan kana fogaadan meelaha Biyo-mareenka ah iyo Togaga. Sadaashan roobka waa ay isbadeli kartaa xilli kasta, Xarunta macluumaadka khayraadka Biyaha iyo Dhulka ee Dawladda Puntland waxa ay sidhow ula soconaysaa markasta isbad-badalka cimilada ee xilli roobaadka. PUNTLAND POST The post Puntland oo war ka soo saartay saadaasha Roobka appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites