Sign in to follow this  
Deeq A.

Sacuudiga Oo Cambaareeyey Weerarkii Israa’iil Ku Qaaday Masaajid Al-Aqsaa Oo Ay 150 Qof Ku Dhaawacmeen

Recommended Posts

Deeq A.   

Booliska Israa’iil weerar ay shalay ku qaadeen Masaajid al-Aqsa ayaa waxaa ku dhaawacmay ugu yaraan 158 qof oo reer Falastiin ah.

Maamulka Masaajidka ayaa sheegay in ciidamnada Israa’iil masaajidka gudaha usoo galeen shalay oo Jimce ahayd oo ay halkaasi ku sugnaayeen kumanaan muslimiin ah, waxayna Israa’iiliyiinta sunta dadka ka ilmeysiisa iyo rasaasta caaga ah la beegsadeen dadka iyagoona xidhay dhalinyaro badan oo gaadheysa illaa 400.

Ciidamada Israa’iil ayaa ku dooday inay masaajidka galeen si ay usoo qabtaan kooxo dad ah oo ay baadigoobayeen, waa siday hadalka u dhigeenee, weerarkan oo lagu so beegay xili lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaanka.

Dowlada Sacuudiga ayaa cambaareysey habdhaqanka ciidamada Israa’iil ee weerarada ku haya masaajidka barakeysan ee Al-Aqsa ee ku yaalla magaalada Qudus.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this