Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii u danbeeyay ee muranka ka taagan degmada Eyl

Recommended Posts

Deeq A.   

Degmada Eyl ee Gobolka Nugaal waxaa weli ka socda dadaallo lagu xallinayo muran ka taagan doorashada guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenka degmadaas.

Odayaasha degmada iyo mas’uuliyiinta dowladda ayaa waan-waan ka dhex wada labada dhinac ee ku muransan doorashada si loo xalliyo khilaafka jira.

Dhinacyada ayaa ilaa iyo hadda ku guulaystay in hoolkii doorashada laga saaro dabley hubaysan oo Khamiistii la wareegay islamarkaana doorashadii baajiyay.

Mas’uuliyiinta dowladda ayaa sheegaya in ay sii wadi doonaan wada-hadalka si loo dhammeeyo khilaafka jira loona qabto doorashada.

PUNTLAND POST

The post Wararkii u danbeeyay ee muranka ka taagan degmada Eyl appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this