Deeq A. Posted April 16, 2022 Guddiga hirgelinta doorashooyinka SEIT ee Hirshabeelle ayaa maanta oo sabti ah lagu wadaa in magaalada Jowhar ay ku qabtaan doorshada kursiga HOP#106. Kursigaan oo kamid ah kuraasta ugu dambaysa ee deegaan doorashadooda tahay Hirshabeelle ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ay doorashadiisa ka dhacdo Jowhar. Waxaa baarlamaankii 10-aad ee hore kursigaan ku fadhiyay xildhibaanad Dr. Mina Xasan Maxamed. Waxaa kursigaan hadda isku diiwaan geliyay illaa iyo lix musharax kuwaas oo kala ah :- 1 Osman Mohmed Mohamud ( Xaadole) 2 Shadoor Haji Mohamud 3 Fowziya Sheikh Ali Mohamud 4 Bashiir Mohamed Yusuf 5 Yusuf Abdi Abdulle 6 Yaxye Abuukar Aden Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites