Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka: Kulan taariikhiya oo aqalka cad ku dhexmaray Kamala Harris iyo Samia Suluhu

Recommended Posts

Deeq A.   

03cc0000-0aff-0242-3fad-08da1f01f7dc_w10

Madaxweyne ku xigeenka dalka Maraykanka Kamala Harris ayaa aqalka cad ku qaabishay madaxweynaha dalka Tanzania Samia Suluhu Hassan oo booqasho ku joogta Maraykanka.

Waa kulan taariikhi ah oo dhexmaray haweenaydii ugu horraysay ee madaxweyne ka noqota dalka Tanzania iyo haweenaydii ugu horraysay ee madaxweyne ku xigeen ka noqota waddanka Maraykanka.

 Labada mas’uul ayaa kulankooda uga wada-hadlay qodobada ay kamid yihiin, xoojinta dimoqraadiyadda, maalgashiga iyo koboca dhaqaalaha iyo caafimaadka.

Samia Hassan ayaa loo doortay xilka madaxweynaha ka dib markii uu geeriyooday madaxweynihii dalkaas John Magufuli bishii March ee sannadkii 2021, waxaana Samia ay xilligaas ahayd madaxweyne ku xigeenka dalka.

PUNTLAND POST

The post Maraykanka: Kulan taariikhiya oo aqalka cad ku dhexmaray Kamala Harris iyo Samia Suluhu appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this