Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-shabaab oo dhaq dhaqaaqyo ciidan ka wada degaanka Wisil ee Koonfurta Gobolka Mudug

Recommended Posts

Deeq A.   
shabaab-1.jpg?resize=1000%2C563&ssl=1

Wararka ka imaanaya degaanka Wisil  oo ka tirsan degmada Hobyo ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Al-shabaab laba jiho kaga sii siqayaan degaankaas.

Dagaallamayaal hubaysan oo ka tirsan Al-shabaab ayaa sida wararku sheegayaan saacadihii la soo dhaafay laba dhinac kaga durkay degaanka Wisil.

Al-shabaab ayaa maalmihii u danbeeyay abaabul ciidan ka wadday dhulka ku xeeran Wisil islamarkaana waxa cabsi laga dareemay halkaas.

Ciidamo degaanka ah ayaa sidoo kale la sheegay in ay diyaar-garow ugu jiraan difaaca Wisil maadaama aysan weli garab ka helin Ciidamada Galmudug iyo kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya.

PUNTLAND POST

The post Al-shabaab oo dhaq dhaqaaqyo ciidan ka wada degaanka Wisil ee Koonfurta Gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this