Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhaarmuqraaddiyadda Soomaaliyeed

Recommended Posts

Deeq A.   
20220416_013654.jpg?resize=396%2C228&sslQaar ka mid ah xildhibaannada iyo senatarrada cusub oo Muqdisho lagu dhaarinayo.

Shalay waxaa Muqdisho lagu dhaariyay xildhibaannada iyo Senatarrada cusub ee labada aqal. Marka la eego sida lagu soo xulay sharci-dejiyayaasha cusub badankood, way adag tahay inay dhaartu xusuusiso xilalka saaran. War saxaafadeedka beesha caalamku soo saarto waxaa inta badan ka dhex muuqda labo erey: geeddisocodka dimuqraaddiyadda.

Macnaha ereyga dimuqraaddiyad wuu isbeddelaa marka Soomaaliya loo isticmaalo maanta. Dimuqraaddiyadi kama jirto Soomaaliya. Dhaarmuqraaddiyad ayaa ka jirta. Sharci-dejiyayaashu waxay ku dhaarteen Quraanka laakiin ma jiro mabda’ ay wadaagaan si loo dhowro danta qaranka.

20220416_013732.jpg?resize=720%2C414&sslDhaarmuqraaddiyaddu way ragaadisaa dowlad dhisidda.

Intee bay Soomaaliya ku sii jiri kartaa hab siyaasadeed diinta iyo dalka halis ki ah? Himiladeennu waxay noqotay dhaan-dabagaalle. Isbeddel kasta oo dhaca hore noogama sii dhaqaajiyo barta aannu taagannahay. Waa tabaale siyaadeed oo aynu u taag la’ nahay muddo dheer. Awoodda soo xulidda xildhibaannada iyo senatarrada waxaa la siiyay maamul federaaleedyada. Soomaaliya hadda waxay u diyaargaroobaysaa doorasho madaxweyne.

Tartamayaasha ugu cadcad waxay iskaga mid yihiin in hore loo soo tijaabiyay hoggaamintooda heerar kala duduwan. Wax sir ah ma aha in dowlado shisheeye ku mashquulsan yihiin doorashada Soomaaliya si ay u soo saaraan natiijo aan ka hor imanaynin danahooda qaran. Kenya iyo Jabuuti waxay iska kaashanayaan in laga hortago dib u doorashada madaxweynaha xilka haya. Labada dalba waxaa Soomaaliya ka jooga ciidammo nabad-ilaalin oo ka mid ah ATMIS. Waxay kaalintooda calaamad u tahay cakirnaanta siyaasadda Soomaalida.

W.Q. O. D. Xasan

The post Dhaarmuqraaddiyadda Soomaaliyeed appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this