Sign in to follow this  
Deeq A.

Yaa ku guuleystay doorashadii adkeyd ee kursiga beesha Daa’uud?

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (Caasimada Online) – Doorasho la isla gaaray ilaa saqdhexe oo xalay ka dhacday magaalada Jowhar ayaa ayaa waxaa kursiga #HOP024 ku guuleystay Maxamed Axmed Beereey oo ka guuleystay seddax murashax oo kula tartamayay kurigaasi.

Xildhibaan Beereey ayaa helay 59 cod, waxaana kusoo xigay Yuusuf Mohamed Xaaji Dool oo helay 25 cod, halka murashaxii shantii sano lasoo dhaafay ku fadhiyay kursigaasi Cabdulqaadir Caraboow oo helay 7 cod.

Tartanka kursigaan oo ahaa mid adag ayaa waxaa guusha Beereeyl qeyb ka ahaa siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin kale oo beesha iska leh kasoo jeeda, waxaana la sheegay in taageerada ugu badan uu ka helayay xildhibaan Beereey guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Finish.

XIldhibaan Beereey ayaa sanadkii 2016 looga adkaaday doorashada kursigan oo uu ku guuleystay Xildhibaan Cabdulqaadir Carabow.

Xildhibaan Caraboow oo ka mid ahaa xubnihii loo saadaalinayay ayaa wuxuu taageero ka haystay Maxamuud Cali Ugaas oo saaxiib dhow ay ahaayeen, iyadoo la ogaa in doorashadii 2016-kii uu Maxamuud Cali Ugaas damcay inuu tartanka ka reebo xildhibaanka guuleystay ee Maxamed Axmed Beereey.

Xildhibaan Beereey ayaa horay ugu mid ahaa madaxda hay’adda Samsam, waxaana lagu tirayaa inuu ka tirsan yahay ururka Al-Islaax oo qeyb ka ah siyaasadda Somalia.

The post Yaa ku guuleystay doorashadii adkeyd ee kursiga beesha Daa’uud? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this