Deeq A. Posted April 14, 2022 Cabdirashiid Xiddig wuxuu 2017kii u tartamay kursiga Guddoomiyaha Aqalka Hoose. Muqdisho (Wararka PP) — Xildhibaan Cabdirashiid Xiddig ayaa ku dhawaaqay inuu u sharraxan yahay xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaaka Soomaaliya. Xiddig ayaa boggiisa Facebook ku faafiyay murrashaxnimadiisa. Warkan wuxuu lama-filaan ku noqon doonaa Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ah murrashax u tartamaya inuu noqdo Madaxweynaha Soomaaaliya. Madaxweyne Deni wuxuu dareemayaa in ololihiisii taako lama-filaan ah loo dhigay. Madaxweyne Deni wuxuu ballanqaad ka haystay Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo sheegay inuu ka hortagi doono in qof reer Jubaland ah u tartamo xilka Guddoomiyaha Aqalka Hoose (baarlamaaanka). “Xiddig waxaa wata Midowga Murrashixiinta oo aaminsan in Deni uga baxay ballantii ahayd inuu midkood dhisi doono si uu isagu u noqdso Ra’iisal Wasaare ama soo xulo qofka noqonaya” ayuu yiri gorfeeye siyaasadeed oo Muqdisho ku sugan. Wuxuu gorfeeyuhu intaas ku daray in murrashaxnimada Xiddig ay shaki ka dhex abuuri doono Deni iyo Axmed Madoobe. Miyuu Axmed Madoobe ka baxay ballanqaadkii uu siiyay Deni haddii Xiddig hadda u taagan yahay inuu u tartamo kursiga guddoomiyaha Aqalka Hoose? La taliyayaasha Deni ayaa ka fekeraya sidii ay u dejin lahaayeen istaraatijiyad ka hortagaysa inuu Xiddig ku guuleyso kursiga Guddoomiyaha Aqalka Hoose. “Deni wuxuu farayaa xildhibannada uu soo saartay inay u codeeyaan qof kale. Taasi waxay yaraynaysaa fursadda uu Xiddig ku noqon karo Guddoomiye Barlamaan” ayuu gorfeeyuhu yiri. Waa markii labaad oo uu Xiddig isu soo taago u tartanka kursida Guddoomiyaha Aqalka Sare. “Way suurtowdaa in murrashaxnimada Xiddig inay si ku melgaar ah iskugu soo soo dhoweyso Deni iyo Madaxweyne Farmaajo” ayuu yiri Maxamuud Aadan, wariye ku sugan Kismaayo. © Puntland Post, 2022 The post Murrashaxnimada Xiddig oo ‘xagal-daacinaysa’ ololaha Deni appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites