Deeq A. Posted April 14, 2022 Dood kooban ayaa Twitter ku dhexmartay Cali Xaaji Warsame, Wasiirkii hore ee Waxbarashada Puntland, iyo Cabdisalaam Yaasiin, bare jaamacaeed kana mid ah asaasayaashii ururkii SNM. Cabdisalaam wuxuu ku dooday in ereyga Soomaali (gaar ahaan marka af Ingiriisi lagu qoro, Somali) yahay erey ku saabsan qowmiyadda Soomaalida. Wuxuu ka falcelinyay hadal Cali ku qray Twitter, isagoo sheegay in Soomaalidu leedahay awood ay ku xalliso ismaandhaafyadooda iyo khilaafaadkooda. “Marka aad adeegsanayso ereyga ‘Somali’ xusuuso inaad ka hadalyso qowmiyad Soomaaliyeed, oo aadan ka hadlayn dadka u dhashay Soomaaliya” ayuu Cabdisalaam Yaasiin ku qoray gacankiisa Twitter. Wuu saxan yahay Cabdisalaam hadduu ka hadlayo wixii ka horreeyay 1dii Luulyo 1960kii markii Waqooyiga iyo Koonfurtu midoobeen si loo unko Jamhuuriyadda Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu saxan yahay hadduu ka hadlayo qof Soomaaliyeed oo ku nool dowlad-degaanka Soomaalida Itoobiya ama gobolka Waqooyi Bari ee Kenya. “Kuwa aan dhibaatadooda wax ka qaban waa ‘Somalian’” ayuu Cabdisalaam qoray. Marka Soomaali lagu qorayo af Ingriisi waxaa loo qoraa Somali; Somalian waa erey jacbur ah, Cabdisalaam wuu og yahay, hase ahaatee dood siyaasadeed buu soo gudbinayay. Qofka Soomaaliga ahi markuu riyaahdo waxaan ahay Soomaali, ereyga wuxuu cuskanayaa haybtiisa siyaasadeed oo ku salaysan jiritaanka qaranka Soomaaliyeed. Shirkii Dastuuriga ahaa ee bishii Maajo 1960kii loo qabtay maxmiyaddii Soomaalida ee Biritayn (British Somaliland Protectorate), waxaa lagu qeexay Soomaali: qof ku hadla af Soomaaliga haystana dhaqanka Soomaalida. “Soomaali waa qofka af Soomaaligu yahay afkiisa hooyo, haystana dhaqanka Soomaalida” (Somali means any person whose mother tongue is the Somali language and who follows Somali customs). Shirkaasi wuxuu diyaariyay midowgii Soomaalida koonfureed oo gobanimo-gaarsiin (trusteeship) ka soo baxaysay, iyo Soomaalida Waqooyiga oo ka hoos baxaysay heshiisyadii ilaalinta ay beelaha Soomaaliyeed qaarkood la galeen Imbaradooriyaddii Biritayn. Waxaan isweyddiiyay in Cabdisalaam Yaasiin taageersan yahay go’aankii Laascaanood lagaga barakiciyay dad Soomaaaliyeed waayo maamulka Somaliland ayaa ku dooday inay yihiin shisheeye u dhashay dal kale oo Soomaaliya la yiraahdo? Markii dhulkii Biritishku ku daray Hawdka Itoobiya 1954ki, dadka Soomaaliyeed waxay Itoobiya ku lahaayeen martabad raacato, xitaa dadka muslimiinta ayuu Xayle Salaase ku tilmaami jiray “dadka nala nool” markuu xafladaha diimeed isaga u gaarka ahaa ka khudbeyn jiray. Haddii qofka loo diido ama uu diido haybiisa siyaasadeed wuxuu noqonayaa qof aan dal lahayn (stateless). Soomaalinimada waa hayb siyaasadeed ay Soomaalidu wada dhowratay, aysan kala xigin marka Soomaaliya laga hadlayo ama la joogo. Liibaan Axmad libahm@gmail.com The post Waa kuma Soomaali? ‐ Faallo appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites