Sign in to follow this  
Deeq A.

Muran ka dhashay wargeys daabacay Fatwo ku saabsan Ramadaanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muran ka dhashay wargeys daabacay Fatwo ku saabsan Ramadaanka

Ramadan

Wargayska sida gaarka ah loo leeyahay ee Al-Masry Al-Youm, oo kasoo baxa dalka Masar, ayaa aqristeyaashiisa raalligelin ka siiyay maqaal uu daabacay oo ku saabsanaa Fatwo kicisay dood xoog badan iyo hadal hayn shacabka dhexdiisa ah.

Wargayskan ayaa lagu dhaliilay inuu “dadweynaha ka dhex abuuray cunsuriyad iyo kicin”.

Golaha sare ee Warbaahinta dalka Masar ayaa u yeeray wakiillada dhinaca sharciga ee wargayskan, si ay qayb uga noqdaan baadhitaan la xiriira arrinta dhacday.

Mas’uuliyiinta Golaha Saxaafadda ayaa sheegay in ay u kuur galayeen cambaareynta xooggan ee wargayska loogu jeediyay baraha bulshada kaddib markii uu daabacay Fatwada.

Maxay tahay Fatwada Muranka dhalisay?

Maalintii Talaadada ee ay taariikhdu ku beegnayd 12-kii bishan April ayayaa nuqulka Wargayska ee maalinlaha ah lagu soo daabacay maqaal uu ciwaankiisu ahaa “Muxuu yahay xukunka ku aaddan in maalin Ramadaan ah raashin laga iibiyo qof aan diin lahayn?”

Isla qormada ayuu wargaysku uga jawaabay su’aashaas, waxa uuna soo xigtay Wadaadka u dhashay dalka Suuriya, Muxammad Salih Al-Munajjid, oo yidhi: “Lama oggola in raashin laga iibiyo qof la og yahay ama ay u badan tahay in uu cuni doono xilli maalin Ramadaan ah, marka laga reebo qof xanuunsan ama safar ku jira iyo kuwa la midka ah ee qiilka haysta.

” Farqina uma dhaxeeyo qofku inuu Muslim yahay iyo in uusan ahayn, sababtoo ah dadka aan Muslimka ahayn waxaa looga hadlay qaybo ka mid ah shareecada sida ay qabaan culumo badan, sidaas darteed fasax looma siinayo in ay wax cunaan maalin Ramadaan ah, lagumana caawinayo arrintaas.”

Suuq Cunto

Maqaalkan ayaa kiciyay cadho aad u wayn iyo falcelin ka timid dhinaca dadweynaha, sababtoo ah waxaa ciwaanka ku jiray erayga muujinaya “qof aan Muslim ahayn”.

Dadka ka falceliyay qaarkood ayaa dalbaday in lala xisaabtamo kuwa ku ligta leh maqaalka la daabacay, laga billaabo tifaftiraha iyo madaxa wargayska ilaa wariyihii qoray iyo qofkii ka saxay.

Waxay qormada ku tilmaameen “mid abuuraysa nacayb iyo kicin qalalaase.”

Raalligelin muran dhalisay

Mas’uuliyiinta Wargayska Al-Masry Al-Youm ayaa sheegay in ay raalligelin ka bixinayaan “khalad” uu sameeyay mid ka mid ah tifaftirayaashooda, iyagoo intaas ku daray in “wargaysku uusan ansixinin maqaallo aan waafaqsanayn xeerkiisa daabacaadda.”

Bayaan kasoo baxay madaxda Wargayska ayaa sidoo kale lagu sheegay in “la qaaday tallaabo shaqada si deg deg ah looga joojiyay qofka khaladka gaystay, dibna uusan usoo noqonaynin ilaa laga dhammaystiro baadhitaannada ka socda gudaha, marka dambena uu ganaax wajihi doono.”

 

Masjid

Wargayska ayaa sheegay in xeerka u yaalla uu taageersan yahay “Xorriyadda diimaha, uuna tixgeliyo kala duwanaanta diimaha,” waxa dhacay haddana uu yahay fal ku yimid “fikir shakhsiyadeed oo khaldamay islamarkaana aan waafaqsanayn sharciga wargayska u yaalla”.

Hase yeeshee, wargayska ayaa raalligelintiisa ku bilaabay odhaahda ah “sababtoo ah qirashada khaladka waa dabeecad wanaagsan”, hadalkaas oo soo jiitay cambaarayn hor leh oo ka timid qaar ka mid ah wariyeyaasha.

Wariye lagu magacaabo Wael Gamal ayaa yidhi: “Ma jirto raalligelin rasmi ah oo ay saxaafadda bixiyaan oo ku billaabata erayga ‘qirashada khaladka waa dabeecad wanaag… Raalligelin waa raalli gelin, gaar ahaan marka uu dhaco khalad aad u wayn oo kan oo kale ah.”

Fatwooyinka looguma talogelin mar walba

Khaled Al-Jundi, oo ah xubin ka tirsan Golaha Sare ee Muslimiinta, ayaa ka hadlay dhacdadan, waxa uuna wargayska Al-Masry Al-Youm ku dhaliilay in ay u tagi waayeen Culimada Al-Azhar si ay uga helaan jawaabta su’aashooda.

Al-Jundi oo ka hadlayay barnaamij ka baxa telefishinka ayaa intaas ku daray: “Anigoo xushmad u haya dhammaan culimada qaramada Muslimiinta, waxaa jirta in Fatwooyinka ay is baddalayaan waqtiyada qaar, meelaha qaar iyo xaaladaha qaar. Khaladka lagu sameeyay fatwadanna ma aha mid loo dulqaadan karo.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this