Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Yuusuf Dabageed oo weerar culus ku qaaday R/W Rooble

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka HirShabelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo shir jaraa’id u qabtay wariyeyaasha ayaa ka hadlay arrimaha doorashooyinka dalka, isaga oo weerar culus ku qaaday Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya.

Dabageed ayaa si adag uga hadlay dooda ka taagan kursiga tirsigiisu yahay HOP086, kaas oo doorashadiisa lagu qabtay Beledweyne, isla-markaana uu kusoo baxay Fahad Yaasiin, wuxuuna sheegay in kursigaas loo maray si sax ah, ayna doorteen ergada beesha iska leh.

Madaxweyne ku xigeenka HirShabelle ayaa ku eedeeyey ra’iisul wasaaraha inuu caqabad ku yahay dhammeystirka doorashada, isla-markaana uu abaabulayo xiisad siyaasadeed.

“Ra’iisul wasaaraha lama canaantaana caanihii daadiyey hadduu is leeyahay lama leh wax dhibaataa oo doorashaada caqabad ku ah oo isaga aheyn ma jiraan,” ayuu yiri Dabageed.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyey “Doorashadii loo diray kama shaqeynaayo, amni kama shaqeynaayo,”.

Yuusuf Dabageed oo hadalkiisa sii wata ayaa carabka ku dhuftay in Koonfur Galbeed iyo HirShabelle ay dhibanayaal u yihiin Rooble iyo guddiga FEIT, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaa wax uga daadsan yihiin Koonfur Galbeed iyo HirShabelle, shanta State inay kuu sinaadaan ayaa la rabaa ,” ayuu markale yiri madaxweyne ku xigeenka HirShabelle.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo xalay qoraal kasoo baxay HirShabelle looga dalbaday guddiga FEIT iyo Ra’iisul wasaaraha in la fasaxo kursiga Fahad Yaasiin.

The post Daawo: Yuusuf Dabageed oo weerar culus ku qaaday R/W Rooble appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this