Sign in to follow this  
Deeq A.

Malayshiyaad hubaysan oo la wareegay hoolkii lagu qaban lahaa doorashada degmada Eyl

Recommended Posts

Deeq A.   
2-9.jpg?resize=1000%2C723&ssl=1

Wararka ka imaanaya degmada Eyl oo ka tirsan Gobolka Nugaal ayaa sheegaya in malayshiyo hubaysan la wareegeen hoolkii lagu qaban lahaa doorashada guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenka degmadaas.

Xubnaha golaha degaanka Eyl oo doorasho qof iyo cod ah lagu doortay 25 October 2021 ayaa lagu waday in ay maanta doortaan guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeen cusub.

Malayshiyaadka ayaa ciidanka Booliiska Puntland kala wareegay hoolkii doorashada waxaana rasaas labada dhinac dhexmartay ku dhaawacmay hal ruux.

Dhacdadan ayaa imanaysa xilli xubnihii golaha deegaanka ee ururka Kaah u kala jabeen labo garab oo qabiilaysan.

Laba musharrax oo ay kala wataan labada garab ee urur siyaasadeedka Kaah ayaa u sharraxan doorashada guddoomiyaha degmada Eyl.

Ururada mucaaradka ayaa horay uga guulaystay urur siyaasadeedka xukuumadda guddoomiyaasha degmooyinka Qardho iyo Ufayn oo laga qabtay doorashada qof iyo cod.

PUNTLAND POST

The post Malayshiyaad hubaysan oo la wareegay hoolkii lagu qaban lahaa doorashada degmada Eyl appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this