Sign in to follow this  
Jacaylbaro

GURMAD - Gabay Cusub

Recommended Posts

It was last night when i was invited by a friend of mine to attend this new poet by Gaariye.

 

Goobtu waxay ahayd Maansoor Hotel waxaana isugu yimid dad aan ka yarayn ilaa 100 qof si ay u dhegeystaan gabayga cusub ee abwaan gaariye.

 

Abwaanku gabaygii ugu dambeeyay ee uu tiriyo waxa uu ahaa kii uu tiriyay 1997 ee la magac baxay DABOTAXAN ,,,,

 

Gabaygan cusub ee xalay waxa uu la magac baxay GURMAD waxaanuu kaga hadlayaa arrimo badan.

 

 

wuxuu yidhi:

 

Duq baa geel loo tubaa

GAw ban ka aqaan durbaan

Waxaan goor hore kaco e

Gankaad tahay erey la da' ah

Garfkana bashar baad u tahee

Hadaad garowdo khalad

Gob bay tahay caadadeed

 

Waxaan godobtiisu hadhin

Gar aad leedahoo uu ogyahay

Nin kaaga masuugay gole

Waxaa gabay lagu saxdaa

Candhuuftu gashaa dalqada

Markuu milil guud ka dhayo

Golxoo dhami maaha dane

Mar bay ged kaleeto tahay

Dibnahoo ku gariira iyo

Gangada waxaa keenta been

Waxay tixdu ka gashaa

Damiirkkuna uu gam’aa

Haddii hal ku seegay geed

Waxaad gocataa hurdada

 

Intaa guntayoo dhigeee

Hadduu geeraar wax taro

Maxan gelin dhexe onkoday

Maxaan goohay oon talamay

Ado gabalkaagu dumay

maxaan gudcur bajiyoo

u daaray cadceed gayiga

maxaan galab oogay shamac

maxaan guuraha meershiyo

waxaan subax loogay gool

hadday gees kaa mareen

maxaad farta iigu godi

dhegtaadaa soorgad lehe

miyaan giririf yaraa

 

shabeelkaa gurboodku dhalay

ku idhi waxaa gooyay aar

sowkii Alle gowrac yidhi

mayee waxa laysay garo

 

Hadaan guga kuu kordhaa

Gabow mooyee ku tarin

Garaad iyio waayo arag

Ileen wax ma dhaantid ged

Haddana gurmad baan dartiin

U soo galay maansadoo

Ma doonayn inaan gabyee

Xil baa igu yidhi I gudo

Nimaan garanayn u olol

 

Ku soo noqo goobta iyo

Garoonka ciyaartu taal

 

Xilligu waa goor wax saar

Gole lagu dheelayoo

Garsoore ka yahay shacbigu

Waxaa guul sheegan kara

Qof ay u garteen iyagu

Hadaad tahay guur u meer

Qaraabo adoon gud-gudin

Adoon umadda isku gubin

Dadweynahoo soo gig yidhi

Waxaad ka gadayso mari

Abaalkana waan gudnaa

Waxaad noo gashee horiyo

Gadaal waxaad maagan tahay

Adoon galin ceeb nin kele

Bal noo sheeg waa golee

Waxay dadku kaa gutaan

Kol ay tahay gaafanow

Hadaad waydo gallad kele

S tii gudahaan ahoo

R’i baan beri gees ka riday

 

Intaa guntayoo dhigee

Nimaad kala gees tihiin

Inuu libintiisa gado

Ninkii yidhi guul ka dhigo

Alaylehe wuu lug go’ay

Ninkii yidhi gaal diloo

Gartiisana sii ma maqal

Xaqsoor nin ku gaadhi kara

 

Rag uu ka dhexeeyo geel

Haduu kala geeyo damac

Waxa isu geysa dane

Allow garansii nin moog

 

Galool mudhay oo farcamay

Lugaha goonyaha u fiday

Haduu midba gaar u baxay

Guntay ka midaysan yihiin

Hadad gorod diidan tahay

Ku koob dirirtaada gorodoo

Ha nicin gobolkuu ka yimid

Goshii firxadkee ha jarin

Ha goyn waxa laysku yahay

Gmagliga gacan loola baxay

Gudaha uma dhaadhacdee

Ha gaadhin laf baan ku idhi

Afkaagana godob ka dhowr

 

LA SOCO ,,,,,,,,,,,

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this