Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidammada Somaliland Oo Xidhay Wariyeyaal Baahinayay Xaaladda Jeelka Weyn Ee Hargeysa

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Ciidammada Somaliland ayaa hadda xabsiga u taxaabay wariyeyaasha kala ah Maxamed Cabdi Sheekh guddoomiyaha telefishanka MMTV, wariye Xasan Gallaydh iyo Wariye Axmed Maxamuud Yuusuf.

Maxamed Cabdi Sheekh Ilig ayaa isaga si toos ah u soo tabinayay xaaladda jeelka weyn ee magaalada Hargeysa oo ka kacsan ka dib markii ay gadood sameeyeen qaar ka mid ah maxaabiista ku xidhan halkaasi.

Wariye Xasan Gallaydh ayaa isaguna ku sugnaa agagaarka jeelka weyn ee Hargeysa oo ay xaaladi ka taagan tahay.

Wariye Axmed Maxamuud Yuusuf ayaa isna la xidhay, xilli uu tabin toos ah kaga jira  agagaarka Jeelka weyn ee Hargeysa.

Wariyeyaasha kala Sagal Mustafe iyo Niciima Cabdi Axmed ayaa iyagana hadda la sheegayaa in la xidhay

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this