Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga doorashooyinka heer Federaal oo xubno u diraya magaalada Baydhaba

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddiga hirgalinta Doorashooyinka heer federaal ee FEIT ayaa sheegay in maanta  Xubno ka tirsan Guddiga ay u dirayaan Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee Dowlad Goboleedka K/Galbeed, si xal looga gaaro tabashada Maamulka Koonfur Galbeed.

Guddiga Doorashooyinka FEIT ayaa hore u sheegay inay hakiyeen afar kamid ah kuraastii la doortay, kuwaasi oo Saddex kamid ah ay ka soo baxeen KGS, halka midka kalana ay deegaan doorashadiisu tahay Hirshabeelle gaar ahaan Magaalada B/Wayne oo ah deegaan doorashada labaad ee Dowlad Goboleedkaasi.

Khamiista todobaadkan oo ay Taariikhdu ku beegantahay 14/04/2022 ayaa lagu wadaa inay bilaabato dhaarinta Xildhibaannada dooran ee shahaadooyinka qaatay, sida lagu sheegay War qoraal ah oo Guddiga Doorashooyinku ay hore u soo saareen.

PUNTLAND POST

The post Guddiga doorashooyinka heer Federaal oo xubno u diraya magaalada Baydhaba appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this