Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland waa inay difaacdo xaqa metelaadda ee Koonfur Galbeed

Recommended Posts

Deeq A.   
20220413_004010.jpg?resize=468%2C508&sslSiyaad Cali Jaamac: “Puntland waa inay difaacdo xaqa metelaadda ee Koonfur Galbeed.”

Mudaynta dhaarinta xildhibaanadda federaalka 14 bisha Abriil hadii ay dhacdo iyadoo aanay u dhamayn dhamaan maamul Goboleedyadda xubnaha ka ah nidaamka fadaraalka, waa dhaawac loo geystay nadaamka Fedaraalka, tasoo ay noqon doonto in laga maarmo hadba maamulkii ama maamuladii la doono.

Puntland waxay marar badan ku doodday inaysan aqoonsanayn heshiisyo aysan qeyb ka ahayn ama aan lagala tashan. Waa ayaandarro inay ka aamusto is hortaagga kuraasta iyo maqnaansha Koonfur Galbeed oo ah maamul kaalin weyn ka qaatay hirgelinta habka federaalka. Madaxweyne Deni marna Golaha Wadatashiga Qaran buu ka mid yahay marna waa murrashax madaxweyne. Waxaa la gudboon inuu ka shaqeeyo xal u helida khilaafka taagan oo halis gelin kara jiritaanka nidaamka federaalisamka.

Madaxda Puntland waxay kor iyo hoosba u sheegaan in Puntland ay u taagan tahay ilaalinta nadaamka federaaliisanka ah, sidaas darteed hadda oo ay taagan tahay arin micna tiri karta xubinnimada fadaraal, waa wax laga xumaado in Puntland aysan ilaa hadda wax door ah ka qaadan xallinta muranka ay xubnaha guddiga federaalka qaarkood dhaliyeen. Waa inay Puntland u istaagto ilaalinta nadaamka federaliisamka waayo waxa socda waa tab cusub oo lagu baabi’inayo nidaamka federaalisamka.

Siyaad Cali Jaamac

The post Puntland waa inay difaacdo xaqa metelaadda ee Koonfur Galbeed appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this