Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Hooyada Ikraan Tahliil oo dalab cusub u gudbisay Maxkamadda Sare kadib dacwaddii Fahad

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Maama Qaali Maxamuud Guhaad ayaa markii u horeysay ka hadashay dacwada uu Fahad Yaasiin u gudbiyay maxkamadda sare ee dalka, xili aysan waxba ka qaban kiiskii gabadheeda Ikraan oo Fahad uu kamid ahaa eedeysanayaasha liiska u horeeya ku jira.

Qaali ayaa ka dalbatay guddoomiyaha maxkamadda sarre in uu wax ka qabto kiiska Ikraan Tahliil, oo kal hore ay NISA kusoo gunaanaday inay dileen Al-Shabaab kadib markii ay u gacan gashay, inkasta oo sheegashadaasi ay beenisay kooxdu.

“Umadda Soomaaliyeed waxaan u sheegaya in cadaaladdii ay halkaas marayso, maanta in Fahad Yaasiin oo aan gabadhaydii ku tabaayo inuu maxkamadda tagay uu dacwad furay, wax adduunyo darteed kursi. Aniga waxaa iga maqan qof nool, gabar dhan ayaa iga maqan oo nolol iyo geeri aan heyn oo gacantiisa ku dambaysay, maalin waliba waa la iska kay daba wareejinaa, wax cadaaladda oo iiga soo naaso cad uma jeedo” ayey tiri Maama Qaali.

Sidoo kale waxay ayaan-darro ku tilmaamtay in maxkamadii sare ay maanta kursi la raadineyso Fahad, oo asagu ku eedeysan maqnaashaha gabadheeda Ikraan Tahliil oo ka tirsaneyd hay’adda NISA.

“Ninka Maxkamadda ugu wayn waa uu maqlayaa, nin weyn oo sharaf iyo qiimo leh ayaa tahay, Ilaahaga ka cabso, maxakamaddii gabadhii yareed oo 24 jirka aheyd ee dalkeeda iyo dadkeeda wax usoo baratay oo madaxdii dalka ay dhibaataysay wax ayaad ka qabawayseen.”

“Maanta kursi ayaa la raadina, miyaan muwaadin aheyn, waa wax laga xishoodo ee Ilaahey ka cabso (guddoomiye) taydii wax ka qabo.”

Hadalka Hooyada dhashay Ikraan Tahliil ayaa imanaya kadib markii uu Fahad Yaasiin dacwad ka dhan ah guddiga FEIT u gudbiyey maxkamadda sare, kadib markii guddiga uu ka reebay liiska xildhibaanada dooran ee qaadanaya shahaadada, kuwaasi oo qorshuhu yahay in la dhaariyo maalinta Khamiista ee 14/04/2022.

The post Daawo: Hooyada Ikraan Tahliil oo dalab cusub u gudbisay Maxkamadda Sare kadib dacwaddii Fahad appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this