Sign in to follow this  
Deeq A.

Dab ka kacay xaafadda State House-ka ee magaalada Hargeysa

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Waxa uu goor dhawayd dab ka kacay xaafadda danyartu degto ee isku raratan Cidhiidhiga ah ee Hargeysa.

Ciidamada dabdamiska Dawladda Hoose ee Hargeysa ayaa markiiba soo gaadhay goobtan lana tacaalaya bakhtiinta dabkaasi.

Xaafaddan ayaa dhawr jeer oo hore sidan oo kale dab uga kacay, Islamarkaana dirqi lagu bakhtiiyay. Waana meel cidhiidhi ah oo aan lahayn meel ay gaadiidka dabdamiskuka galaan.

Xaafaddan State House-ku waxay ku taalaa halkii hore loo odhan jiray Shacabka waxaanay ku dhawdahay Xafiisyada Dawladda. Sidoo kale waxay dhabarka ku haysaa Guriga Gaarka ah Madaxweyne Biixi ka degan yahay magaalada Hargeysa.

Wixii warar kasoo kordha halkan kala soco.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this